
Ku soo-dhawow Maktabadaha Yarra – Adeegyada Maktabadaha Dadweynaha waxaa bixiya Dowladda Hoose ee degaankaaga waana lacag la’aan
Waxyaalaha cusboonaysii oo sii qabsasho u samayso (Renew and reserve items)
(tan waxay kugu xiraysaa liiska kataloogga)
Wax ku saabsan Maktabadda (About the library)
Maxay yihiin adeegyada laga heli karo maktabadaha?
Maktabadaheenu waa xaruumo qalab yaal ay ku raaxaystaan bulshadu. Buuggagtayada iyo adeegyadeena waxaa ka mid ah:
> CD-yo iyo DVD-yo
> Ururis buuggag iyo magaasiino ku qoran Ingiriisi iyo sideed luqadood oo kale
> Wargeysyada maalmeedka ah oo ku qoran Ingiriisi iyo afar luqadood oo kale
> Waxyaalaha Ingiriisiga luqad labaad ahaan ah ku qoraH
> Helitaanka inarneed lacag la’aan ah
> Tiyaataro, kulano, qolalka tababarka kombiyuutarka oo la kireysan karo
Maktabadda Carlton
Qolka shirarka ee Maktabadda Carlton waxay qaaddaa 60 qof ayadoo leh meesha dadka iinta leh maraan, musqulo leh meesha dadka iinta leh maraan iyo whiteboard. Qalabyada jikada iyo dhagaysi-maqalka waxaa lagu heli karaa codsi. Qolka shirarka waxaa la heli karaa waqtiyada maktabaddu furan tahay iyo marka ay xiran tahayba.
Maktabadda Collingwood
Qolka Shirarka/Bulshada (oo leh urn iyo sink), oo ku dhagan Maktabadda Collingwood, waxaa heli kara oo adeegsan kara kooxaha bulshada. Qolku wuxuu qaaddaa 60 qof.
Maktabadda Fitzroy
Qolalku shirarku labaduba waxay leeyihiin meelo ay maraan dadka iinta leh, musqulo leh meesha dadka iinta leh maraan iyo whiteboard oo la heli karo markii la codsado. Helitaanka jikadana waxaa la heli karaa markii la codsado.
Qolka Shirarka 1aad - Kuraasta 30 qof
Qolka Shirarka 2aad - Kuraasta 10 qof
Maktabadda Richmond
Qolka Shirarku wuxuu qaaddaa 40 qof, si kastaba ha ahaatee waxaa la heli karaa oo keliya kuraas kooban oo ku habboon kulannada yaryar. Waxaan kaloo haynaa whiteboard, taleefishin, DVD player, Video player, overheard projector iyo slide projector. Haddii aad u baahan tahay mid ka mid ah qalabkan in laga helo qolka shirarka, fadlan kala xiriir shaqaalaha Maktabadda Richmond 1300 695 427 si arintaas loo habeeyo.
Kataloogga Soomaaliga ee Maktabadda Yarra (Somali resources at Yarra Libraries)
Buuggagta sawirada leh oo laba-luqadlaha ah ee carruurta Soomaalida iyo qaamuusyada waxaa laga helaa Maktabadda Carlton.
Buugagta Laga Barto Ingiriisiga (English Learning Collection)
Waxaan haynaa ururis buuggag ah, cajalado iyo CDyo ah kuwaas oo kugu caawinaya inaad barato Ingiriisiga. Fadlan ka codso maktabad kasta waxaan ku tusaynaa halka aad joogto. Waxyaalahan waxaa kaloo ku jira buuggag kugu caawinaya imtixaannada IELTS.
Qolalka Shirarka (Meeting Rooms)
Qolalka Shirarka waxaa laga helaa Maktabadaha Carlton, Collingwood, Fitzroy iyo Richmond.
Lacagaha Layska qaado (halkii fadhi ee saddex saacadood ah):
Adeegsadaha Ganacsi- $55.00
Bulshada $7.70
Dulsaarka adeegga A/V (markii la saaro): $11.00
Carbuunta Amniga (adeegyaasha oo dhana) $77.00
Hab-raaca Buugaraynta waxaa laga heli karaa hoos.

Quick Search wuxuu qabtaa baarista ugu muhiimsan. Default search ayaa loo sameeyey waxyaalaha oo dhan ee yaalla Maktabadaha Yarra, si kastaba ha ahaatee, waxaad baaris ku samayn kartaa sidoo kale maktabadaha kale adigoo ka xulanaya ama raadsanay marka hoos loo riixo miinuuga ay ku taal library.
Find it Fast iyo Kids’ Library waxay ku siinayaan liiska baarisyadii hore loo xushay.
My Account (akoonkayga) waa qaybta aad leedahay. Markii aad galayso (logged in) waxaad riixi karta halkaas si aad u gasho kaarkaaga maktabadda iyo cusboonaynta.
Search/Home wuxuu kuu gaynayaa bogga weyn ee Quick Search ee liiska buuggata.
Go Back (Dib u-noqo) waxay ku gaynaysaa shaashaddii kuugu dambeysey.
Logout – waxaad riixdaa ka-bax (log out) ee akoonkaaga ama kataloogga
Cusboonaysiinta waxyaalaha kaarkaaga ku qoran (Renewing items on your card)
Riix linkiga My Account oo ku yaal meesha sare ee liiska kataloogga. Waxaa kuu soo baxaya miinuuga.
Waxaad riixdaa linkiga Review My Materials.
Gal User ID-gaaga (lambarka kaarka maktabadda) iyo PIN-kaaga ka dibna waxaad riixdaa List Charged Items. La xiriir shaqaalaha maktabadda si aad u ogaato PIN-kaaga haddii aadan hubin.

Waxaa soo baxaya liiska waxyaalaha laga baaray kaarkaaga. Liiskaasi waxaa kaloo ku jiri kara waxyaalaha aan dib loo cusboonaysiin karin sababtoo ah waxaa sii qabsaday (on hold) qof kale ama hore ayaa dib loogu cusboonaysiiyey.

Si loo loo cusboonaysiiyo waxyaalaha LA XUSHAY (To renew SELECTED items)
1. Riix goobada ku xigta Renew Selected Items
2. Riix khaanadda ku xigta magaca aad doonayso inaad cusboonaysiiso
3. Riix badhanka Renew Selected Items
AMA
Si loo cusboonaysiiyo waxyaalaha OO DHAN (To renew ALL items)
1. Riix goobada ku xigta Renew All Items
2. Riix badhanka Renew Selected Items
3.Jawaabta cusboonaysiinta ayaa soo muuqan doonta ayadoo ku talinaysa haddii cusboonaysiintu la aqbalay.
Waxyaalaha lama cusboonaysiin karo haddii:
Haddii liiska kataloogga uusan kuu ogalaan inaad cusboonaysiiso waxyaalaha ku qoran kaarkaaga
(If the catalogue won't let you renew the items on your card)
Ma awoodid inaad ka cusboonaysiiso waxyaalaha web-ka kataloogga haddii:
Haddii sistamku diido PIN-kaaga (If the system won’t accept your PIN)
Haddii aad hesho farriinta ‘session timeout’ markaad qoqobto kataloogga
(If you get a ‘session timeout’ message when you bookmark the catalogue)
Sida ugu fiican oo kataloogga loo qoqobo waa ayadoo la tago homepage-ka Maktabadda Yarra:
http://www.yarracity.vic.gov.au/Library/, midig-u-riix linkiga ku tusaya kataloogga (oo ah linkiga kowaad ee xagga bidixda xiga) waxaadna doorataa Add to Favorites… oo ku jirta IE / Bookmark this link oo ku taal Firefox.
Haddii aad doonayso inaad log in ku samayso waxyaalaha marka aad sii qabasato oo keliya
(If you want to log in only once to place holds on items)
Haddii aadan sii qabsan karin waxyaalaha (If you can’t place holds on items)
Hubi in walaxdu ay tahay walax laga helo Maktabadaha Yarra (Carlton, Collingwood, North Fitzroy, Fitzroy Collingwood). Haddii aan laga helin, waxaad la xiriiri kartaa maktabadda si ay gacan kaaga siiso inaad hesho walaxda aad u baahan tahay.
Hubi in walaxdu ay tahay walax laga helo Maktabadaha Yarra (Carlton, Collingwood, North Fitzroy, Fitzroy Collingwood). Haddii aan laga helin, waxaad la xiriiri kartaa maktabadda si ay gacan kaaga siiso inaad hesho walaxda aad u baahan tahay.
Waxaa jira ururis buuggag oo ah buuggagta sawirada leh ee carruurta oo laba-luqadle ah iyo qaamuusyo laga heli karo Maktabadda Carlton.
Maktabadda Carlton mararka qaarkood waxay bixisaa waqtiyada sheeko-xariirta Soomaaliga ah oo labada-luqadoodba ku qoran – ka eeg waraaqaheena iclaaminaya arimahaas.
Xubinimadu waa lacag la’aan waxayna u furan tahay cid kasta. Si aad uga mid noqoto keliya gal mid ka mid ah shanteena laamood waxaadna buuxisaa foomka xubinimada. Waxaad u baahan doontaa inaad keento caddaynta magaca iyo cinwaanka hadda jira ayadoo carruurta ka yar 18 sannadood ay u baahan doonaan saxiixa waalidka ama weliga.
Sidaas cagsigeeda, waxaad isku qori kartaa si aad uga mid noqoto website-ka Maktabadda Carlton http://www.yarracity.vic.gov.au waxaadna ku xaqiijisaa faahfaahintaada booqashadaada xigta ee maktabadda.
Isla markii xubinimada la dhammaystiro waxaa lagu siin doonaa kaarka maktabadda kaas oo kuu ogolaan doona inaad waxyaalaha ka amaahato mid kasta oo ka mid ah shantayada maktabadood.
Waxaad ka amaanhan kartaa ilaa 30 waxyaalood isla mar qura oo ay ka mid yihiin 10 CDyo, 10 DVDyo, 10 buuggagta hadlaysa ah iyo 10 xidhmood (10 kits). Badiba waxyaalahaas waxaa la amaahan karaa ilaa saddex toddobaad. DVDyada waxaa la amaahan karaa ilaa hal toddobaad.
Waxyaalaha waxaa laga cusboonaysiin karaa (Items can be renewed):
> mid kasta oo ka mid ah laamaha Maktabadahayaga
> Adoo waca 1300 My Library (1300 695 427)
> ama website-kayaga ah (www.yarracity.vic.gov.au)
Waxyaalaha waxaa loo cusboonayn karaa muddo amaaheed kale ayadoo ay shardi tahay inaan cid kale hore u sii qabsan. Haddii aad ku cusboonaysiinayso taleefan ama website-ka, fadlan diyaar la noqo kaarka maktabaddaada. Ku-cusboonaysiinta website-ka waxaad kaloo u baahan doontaa lambarka PIN-kaaga kaas oo ah afarta raqam ee lambarka taleefanka gurigaaga inaad si kale u sheegto maahee.
Si loo hubiyo in adeegayaasha kale ay haystaan helitaan waqtiyaysan ee qalabka maktabadda waxaa muhiim ah inaad soo celiso ama cusboonaysiiso waxyaalahaaga marka la gaaro waqtigooda. Waxyaalaha aan la soo-celin ama aan la cusboonaysiin marka waqtigooda la gaaro waxaa la saarayaa ganaax.
Ganaaxa la saaro waxyaalaha dhacay waa 20 santi maalintii oo walax kasta ah. Waxaa muhiim ah in lala socdo haddii aad cusboonaysiinayso waxyaalo hore u dhacsanaa, in ganaax hore la saaray.
Cadadka ugu dambeeya ee magaasiin kasta ah waxaa lagu hayaa shalafka si ay dadku ugu akhristaan maktabadda. Waad sii qabsan kartaa cadadka ugu dambeeya waadna sii amaahan kartaa cadadyadii ugu dambeeyey.
Wargeysyada waa la heli karaa si loogu akhristo maktabadda hase ahaatee lama amaahan karo.
Waxyaalaha hadda u yaal in la amaahdo waa la sii qabsan karaa. Taas waxay hubinaysaa in markii walaxda la sii qabsado lagu ogaysiinayo laguuna haynayo ilaa toddobaad si aad u qaadato ama u amaahato. Haddii walaxdu saaran tahay shalafka Maktabad kale ee Yarra waad sii qabsan kartaa waxaana laguu keenayaa maktabaddaada si aad u qaadato. Haddii walaxdu saaran tahay shalafka Maktabad kale ee aan Yarra ahayn waan kuu codsan karnaa buugga waxaanna kuu keenaynaa maktabaddaada..
Sii-qabsashadu waa lacag la’aan waxaadna amaahan kartaa ilaa 30 waxyaalood markii qura. Waxaad ka qabsan kartaa walax:
> Kataloogga maktabadaha
> Website-kayaga (http://www.yarracity.vic.gov.au )
> Ama adoo weydiista shaqaalaha jooga qaabilaadda maktabadda
Dhammaan waxyaalaha yaalla Maktabadaha Yarra waxaa loo soo celin karaa laamaha maktabadeena. Waxaa jira shuutyada soo-celinta buuggagta ee saacadaha aan shaqadu jirin oo ka jira goobaha oo dhan si laguugu sahlo soo-celinta.
Buugaraynta intarneedka waxaa laga samayn karaa ayadoo la yimaado maktabadda ama la waco 1300 695 427. Qof kastaa wuxuu heli karaa hal buukin maalintii oo ah hal saac ama nus saac. Daabacadda waxaa lagu heli karaa 20 santi halkii bogba.
Waxaan haynaa ururis waxyaalo laga barto Ingiriisiga. Waxaana ka mid ah qaamuusyada, buuggagta wata CD-yada iyo xirmooyinka darajaysan oo wata CD-yada kuwaas oo ku habboon marxaladaha waxbarashada oo dhan laga soo bilaabo bilowga ilaa iyo isu diyaarinta IELTS.
Waqtiga-sheeko xariirta dugsiga-ka-hor oo lacag la’aan ah ayaa lagu qabtaa maktabad kasta hal mar toddobaadkii laga soo bilaabo Febaraayo ilaa Diseembar – taas oo ah hab weyn oo carruurta lagu bari karo buuggagta!
Nashaadyada fasax-weynaha dugsiyada
Caawimaadda shaqo-guriga oo lagu qabto maktabadaha Carlton iyo Fitzroy
Si aad buugarayn u samaysato la xiriir maktabadda gaarka ah
Ogaysiin ayaa looga baahan yahay waxyaalaha la kansal-gareeyey oo dhan
Kulanada la qabto saacadaha ay maktabddu furan tahay, wakiilka ka socda kooxdaada waa inuu soo gala maktabadda ka hor kulanka si uu qaado furayaasha una helo macluumaadka ku saabsan habraacyada furitaanka iyo xiritaanka.
Qofkaas waa inuu ka weyn yahay da’da 18 sano uuna aqbalaa masuuliyadda amniga dhismaha iyo qalabka ay isticmaalaan kooxdu.
Kulannada fiidkii furaha waa in la qaataa maalinta kulanka inta lagu jiro saacadaha shaqada.
Kulannada subaxdii furaha waa in la qaataa maalinta ka horreysa kulanka inta lagu jiro saacadaha shaqada
Carbuunta amniga waa in la bixiyaa waana laga tanaasulayaa haddii:
Haddii la adeegsado jikada, waa inaad keensataa adigu shaahaaga, tuwallada, koofiga iyo caanaha.
Qalabka tas-hiilaadka waa in looga tagaa ayagoo nadiif ah oo nidaamsan, miisaska iyo kuraasta waa in lagu celiyaa meelahoodii hore.
Xafiisyada waa meelo loo qoondeeyey INAAN SIGAAR LAGU CABBI KARIN (NO SMOKING)
Xafiisyadan waxaa loo kireysan karaa kulannada, siminaarada ama munaasabadaha bulshada loomase isticmaali karo baadhiyada gaarka ah.
Waqtiyada sheeko-xariirta carruurta iyo kureyada (Children’s Storytime and Toddler time)
Ku soo-dhawow inaad ka soo qaybgasho Waqtiyada sheeko-xariirta carruurta iyo kureyada ee mid kasta oo maktabadaheena ah. Dhagaysiga sheekooyinka iyo heesaha waxay caawinaysaa sii horumarinta luqadda carruurta iyo xirfadaha dhaqdhaqaaqooda. Shaqaalaheena maktabadda ee waayo-aragnimada iyo xiisaha qaba waxay kugu siinayaan casharradan maktabadaha soo socda
Casharrada sheeko-xariirta waxaa la qabtaa sannadka oo dhan, marka laga reebo fasax-weynaha dugsiyada.
Carlton - Isniinta 2:00pm, Khamiis 11:00am
Collingwood - Jumcaha 11:00am
Fitzroy - Isniinta 11:00am
North Fitzroy - Talaado 11:00am
Richmond - Arbacada 11:00am
Waqtiga Kureyga (Toddler Time)
Ku dhiirigeli ilmahaaga inuu yeesho jacaylka nolosha dheer oo u qabo buuggagta! Gaar ahaan carruurta da’doodu u dhaxayso 8 – 24 bilood.
Isniinta 2.00pm – Maktabadda Fitzroy 128 Moor Street Fitzroy
Talaado 10.30am - Maktabadda Library 667 Rathdowne Street North Carlton
Arbacada 10.00am – Maktabadda Richmond 415 Church Street Richmond (oo laga soo galo dhinaca Charlotte Street)
Khamiis 10.30a.m. - Maktabadda Collingwood 11 Stanton St, Abbotsford
Nashaadyada Fasax-weynaha dugsiyada (School Holiday Activities)
Maktabaddu waxay ku qabataa nashaadyada fasax-weynaha dugsiga maktabadaheena oo dhan – waxaan ku iclaaminaa website-ka iyo maktabadeeheena oo dhan
Caawimaadda Shaqada-guriga (Homework Help)
Barnaamijka Taageerada Shaqo-guriga ee Maktabadda Carlton (Carlton Library Homework Support Program) waxay shaqaysaa galabtaha Arbacada iyo Khamiista laga bilaabo 4-6pm. Tuyuutarro ayaa loo heli karaa maaddooyinka ay ka mid yihiin sayniska, xisaabta, Ingiriisiga iyo sayniska bulshada. Waxaa kaloo jira kombiyuutarro ay heli karaan
Waxaa kaloo jira kombiyuutaro ay heli karaan dadka dhalinyarada ah si ay wax ugu qoraan Word Processing ama u isticmaalaan intarneedka.
Xarunta Shaqo-guriga ee Brotherhood of St Laurence (Brotherhood of St Laurence Homework Centre) waa adeeg lacag la’aan ah oo ka jira Maktabadda Fitzroy. Dadka dhalinyarada ah waxay ka heli karaan caawimaad si ay u dhammaystiraan shaqada tuyuutarrada maaddooyinka oo dhan ah ama ayagaa si madax-banaan uga shaqayn kara. Waxaa jira kombiyuutarro, birintaro iyo fotokoobiyaro. Xarunta Homework Centre waxay furan tahay 4-6pm Isniinta ilaa Khamiista.
Adeegyadan waa lacag la’aan waxaadna xor u tahay inaad ka soo qaybgasho.
Xubinimada Maktabadda ee carruurta ka yar 18ka (library Membership for children under 18)
Haddii aad ka yar tahay da’da 18 waxaan u baahan nahay saxiixa waalidka ama weliga oo ku qoran warqadda ogolaanshaha taas oo aan u baahanahay in la keeno maktabadda ka hor intaanan ku siin kaarka. Halkan riix si aad u daabacdo warqadda ogolaanshaha si aad maktabadda uga soo qaadato.
Xubinimada Maktabadda ee carruurta ka yar 18ka (PDF)
Talooyin: Maktabaddu waxay doonaysaa inay gadato buuggag dheeraad ah waxayna soo dhawaynaysaa wixii talooyin ah ee cinwaannada iyo keenayaasha kataloogga, magaasiinnada, CDyada iyo DVDyada. Fadlan uga tag laamaha maktabadaha wixii macluumaad ah oo aad hayso ama noogu soo dir emailka ah yarralibraries@yarracity.vic.gov.au
City of Yarra waxay kugu casuumaysaa inaad rayi-celin ka samayso Maktabadaha Yarra. Keliya buuxi foomka ra’yi-celinta oo laga helo laamaha maktabadda, u dir faalladaada cinwaanka hoose, na soo wac, ama email u dir info@yarracity.vic.gov.au
Maktabadaha Yarra
The City of Yarra, PO Box 168, Richmond, VIC 3121
Wac 1300 695 427 (1300 My Library)
Qarsoodinimada: Maktabadda Yarra waxay ku shaqaysaa ayadoo raacaysa shuruucda qarsoodinimada hadda jirta. Haddii aad doonayso macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan qorshahayaga qarsoodinimada, fadlan na weydiiso koobiga caddaynteena qarsoodinimada.
Goobaha maktabadaha iyo saacadaha ay furan yihiin (Library locations and opening hours)
Waxaa jira shan Maktabadood oo ku yaal City of Yarra oo kala ah:
• Carlton
• Collingwood
• Fitzroy
• North Fitzroy
• Richmond
Maktabadda Carlton
Saacada uu furan yahay
Axadda 2pm - 5pm
Isniinta 1pm - 8pm
Talaado 10am - 8pm
Arbaco 1pm - 6pm
Khamiista 10am - 6pm
Jumcaha 1pm - 6pm
Sabtida 10am - 4pm
Ph: 1300 695 427
Maktabadda Carlton 667 Rathdowne St, North Carlton Vic 3054
Fax: (03) 9203 3696
Tixraaca Melways: 2B J2
Baabuur: On street parking (unrestricted in Newry St)
Taraam: 1 (East Coburg) iyo 8 (Moreland) jihada City-ga
Bas: 250, 251 and 253
Tareen: none
Maktabadda Collingwood
Saacada uu furan yahay
Axadda 2pm - 5pm
Isniinta 1pm - 6pm
Talaado 10am - 6pm
Arbaco 1pm - 8pm
Khamiista 10am - 8pm
Jumcaha 10am - 6pm
Sabtida 10am - 3pm
Ph: 1300 695 427
Cinwaanka Waddada: 11 Stanton St, Abbotsford Vic 3067
Collingwood Library 11 Stanton St, Abbotsford Vic 3067
Fax: (03) 9201 1502
Melways Reference: 2C H10
Baabuur: Baarkinka waddada (Aad loo xanibay)
Taraam: none
Bas: 246, 301, 302, 305, 307, 308, 309, 313, 316, 350
Train: Hurstbridge/Epping Line to Collingwood Station.
Maktabadda Fitzroy
Saacada uu furan yahay
Axadda 2pm - 5pm
Isniinta 10am - 6pm
Talaadada 1pm - 8pm
Arbacada 1pm - 8pm
Khamiis 10am - 6pm
Jumcaha 1pm - 6pm
Sabtida 10am - 4pm
Ph: 1300 695 427
Fitzroy Library128 Moor St, Fitzroy Vic 3065
Fax: (03) 9201 1545
Tixraaca Melways: 2C B9
Baabuur: Baarkinka waddada (Aad loo xanibay)
Taraam: 112 (along Brunswick St), 86 (along Smith St)
Bas: 200, 201, 207
Tareen: Ma leh
Maktabadda North Fitzroy
Saacada uu furan yahay
Axadda 2pm - 5pm
Isniinta 1pm - 8pm
Talaadada 10am - 6pm
Arbacada 10am - 6pm
Khamiista 1pm - 6pm
Jumcaha 1pm - 6pm
Sabtida 10am - 1pm
Ph: 1300 695 427
Maktabadda North Fitzroy 240 St Georges Rd, North Fitzroy Vic 3068
Fax: (03) 9241 7205
Tixraaca Melways: 30 C11
Baabuur: Baarkinka waddada (Aad loo xanibay)
Taraam: 11, 112
Bas: 504
Tareen: Ma leh
Maktabadda Richmond
Saacada uu furan yahay
Axadda 2pm - 5pm
Isniinta 10am - 8pm
Talaadada 10am - 8pm
Arbacada 10am - 8pm
Khamiis 10am - 6pm
Jumcaha 1pm - 6pm
Sabtida 10am - 3pm
Ph: 1300 695 427
Maktabadda Richmond 415 Church Street, Richmond Vic 3121
Fax: (03) 9201 0655
Tixraaca Melways: H A10
Baabuur: Baarkinka waddada iyo mid ka baxsan waddada (Aad loo xanibay)
Taraam: 70, 78, 79
Tareen: Glen Waverly, Alamein or Blackburn Line ilaa East Richmond Station
Nagala soo xiriir –Taleefanka 1300 695 427
Email http://yarralibraries@yarracity.vic.gov.au
City of Yarra waxay kugu casuumaysaa inaad warcelin ka bixiso maktabadaha Yarra. Keliya soo buuxi foomka warcelinta ee laamaha maktabadaha mid ka mid ah, ku soo dir faalladaada cinwaanka hoose, na soo wac, ama ku soo dir emailka ah info@yarracity.vic.gov.au
The City of Yarra, PO Box 168, Richmond, VIC 3121
Wac 1300 695 427 (1300 My Library)
Further information
LinksWithin this site
Leisure
External sites (Yarra City Council accepts no responsibility for the information or opinions contained within external sites)
Victoria's Virtual Library