Your Council and Councillors Somali

Golahaaga iyo Xubnaha Golaha

Your Council and Councillors

Yarra waxay u qaybsantaa saddex waaxood; Langridge, Melba iyo Nicholls. Waxaa jira saddex xubnood oo Golaha ka tirsan oo ay doortaan bulshadu afartii sanaba hal mar kuwaas oo kala matala saddexda waaxood. Duqa magaalada waxaa doorta xubnaha Golaha sanad walba.

Xubnaha golaha oo ay kaalmaynayaan ururadu, waxay dusha kala socdaan mustaqbilka agagaaraha.

Fadhiyada Golaha

Goluhu wuxuu qabtaa kulan joogto ah Talaadada saddexaad ee bil walba fadhigaas oo kaltan ahaan loogu qabto Richmond iyo Ftitzroy Town Hall. Fadhiyadaani waxay u furaan yihiin dadweynaha waana lagugu soo dhowaynayaa inaad timaado. Haddii aad shirkaas uga baahan tahay mutarjum, fadlan la xiriir Golaha 9280 1940 ugu yaraan laba maalmood ka hor.

Doorka Golaha iyo masuuliyaadka

Goluhu wuxuu masuul ka yahay siinta bulshada adeegyo kuwaas oo ay ku jiraan daryeelka ilmaha, kuwa iinta leh iyo kuwa waayeelka, maktabadaha, diiwaangelinta xayawaanka, qorshaynta, nadiifinta wadooyinka, maaraynta goobta gaari dhigashada, qaadida qashinka iyo dib-u-rogida, iyo munaasabadaha dhalashada.

Goluhu wuxuu kaloo ilaaliya dhismayaasha bulshada, dhabada lagu socdo iyo wadooyinka, baagaga iyo jardiinooyinka, saddexda Town Halls, buundooyinka, qashinmareenka iyo meelaha la fariisto ee wadooyinka, meelaha ku yaalla webiga dhinaciisa, dhulka ciyaaraha  iyo madadaalada, saddexda xarumod ee madadaalada oo ay weheliyaan goobaha dabaasha iyo jimicsiga (gymnasium) iyo goolaf  kooraska Burnley.

Goluhu waa taageeri weyn oo farshanada agagaaraha, kooxaha bulshada ee kala duwan iyo munaasabadaha dhaqameed iyo weliba martigelinta munaasabadaha waaweyn ee sanada oo dhan kuwaas oo ay ka mid yihiin Chrismas Carols bisha Diseembar.

Cashuurta

Qof walba oo guri ku leh Degmada Yarra waxaa waajib ku ah inuu bixiyo cashuurta. Goluhu wuxuu bixiyaa adeegyo, wuxuu dayactiraa dhismayaasha bulshada, wuxuuna wax ka qabtaa baahida bulshada iyada oo la isticmaalayo lacagta cashuurta laga ururiyey. Cashuurtu waxay noqotaa 58% dakhliga Golaha.

Cashuurta waxaa laga bixin karaa:
•    Xafiis kasta oo Boostada
•    Adigoo boostada ku soo diraya isticmaalayana galka ogeysiinta lagu soo diray
•    Telefoonka ama Internet-ka iyada oo la isticmaalayo BPay, kaarka deynta ee Yarra ePay credit card, kaarka deynta ee POST billpay credit card ama kaarka deynta caadiga ah.
•    Adoo tegaya Collingwood Town Hall, 140 Hoddle St, Collingwood, ama Richmond Town Hall, 333 Bridge Road, Richmond inta u dhexaysa 8.30subaxii to 5.00casarkii, Isniinta ilaa Jimcaha.

Lacagta cashuurta ah ee la iska qaado waxaa la bixin karaa iyada oo duuduub ah bisha Febraayo, iyada oo la yaryareeyeyna waxaa la bixin karaa bilaha Oktoobar, Nufeembar, Febraayo iyo May, ama iyada oo la kala bixiyo 10 bilood iyada oo la isticmaalayo Gooyn Toos ah.

Dadka haysta kaarka dhimista (Pensioner Concession Card) ama Gold Card waxay xaq u leeyihiin in laga dhimo cahsuurta laga qaadayo halka ay caadiga u degan yihiin. Sanadaha 2010/2011, cashuurtu waxay ahayd $125.

Munaasabadaha Dhalashada

Golaha wuxuu qabtaa munaasabadaha dhalashada ee deganayaasha doonaya inay noqdaan muwaadiniin Australiyaan ah. Si loo dalbado Dhalashda Australiya waxaad u baahan tahay inaad buuxiso foomka dalabka, oo laga hello Wasaarada Immigrayshanka iyo Muwaadiniint 131 880 ama booqo www.citizenship.gov.au

Macluumaad intaas ka badan oo ku saabsan Golaha fadlan wac www.yarracity.vic.gov.au/Council ama booqo 9205 5555. Waxaad kaloo la hadli kartaa qof afkaaga ku hadlaya adigoo wacaya adeega turjubaanka golaha 9280 1940.

Macluumaad intaas ka badan oo ku saabsan adeegyada turjubaanka, fadlan wac 9280 1940 weydiina qoraalka Yarralink ama booqo www.yarracity.vic.gov.au

Wesayt: www.yarracity.vic.gov.au

Telefoon: 9205 5555

Back to top
Back to top Back to top